Raphael Varane Oo Dagaal Aan Inaba Caadi Ahayn Dhex-Dhigay Man United & Liverpool.

Raphael Varane Oo Dagaal Aan Inaba Caadi Ahayn Dhex-Dhigay Man United & Liverpool.


Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa dagaal dhanka suuqa ah dhex-dhigay kooxaha Man United iyo Liverpool ka hor suuqa Xagaaga.

Mustaqbalka Xiddiga Raphael Varane ee Real Madrid ayuu shaki ku jiraa xilli uu diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Zinedine Zidane.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay iska fasixi doonto xiddiga Raphael Varane hadii uu kooxda heshiis cusub u saxiixi waayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in ay kooxaha Ugu taariikhda weyn premier League ee Man United iyo Liverpool in ay ku tartamayaan saxiixa xiddiga.

Liverpool ayaa xiddiga Raphael Varane u aragta xiddig ka garab ciyaari kara Virgil Van Dijk xilli ciyaareedka dambe si ay u xaliso dhibaatada daafaca.

Dhanka kale Man United ayaa xiddiga Raphael Varane u doonaysa in uu ka garab ciyaaro Harry Maguire xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE