Shaxda Laga Yaabo In Ay Man City Caawa Kaga Hor Tagto Wolves Xilli Citizen Raadinayso Guushii 15-aad Oo Xidhiidh Ah Premier League.

Shaxda Laga Yaabo In Ay Man City Caawa Kaga Hor Tagto Wolves Xilli Citizen Raadinayso Guushii 15-aad Oo Xidhiidh Ah Premier League.


Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Wolves kulan ka tirsan horyaalka premier Legaue todobaadkii 27-aad ee xilli ciyaareedka.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guulaha xidhiidhka ah ee tartamada oo dhan ama horyaalka premier League.

Hogaamiyayaasha horyaalka premier League ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya guushoodii 21-aad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Halka ay sidoo kale isha ku hayaan guushii 15-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League marka ay caawa marti galin doonaan kooxda Wolves.

Man City ayaan wax dhibco ah lumin horyaalka premier League tan ilaa markii ay bar-baraha 1/1 ah la galeen kooxda West Brom 15 bishii December ee sanadkii 2020.


Source: laacibfm.com

SHARE