Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.

Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.


Inkasta oo ay Man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan marka loo eego qaab ciyaareedkeeda cajiibka ah ee ay ku jirto hadana waxa uu tartan adag ka jiraa kooxaha u soo bixi doona champions League.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in ay kaliya 5 kooxood kaliya kala sarayn doonaan 2 dhibcood dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Man United, Leicester City, West Ham, Chelsea, Liverpoo iyo Everton ayaa ah kooxaha haatan ku tartamaya sidii ay ugu dhamaysan lahaayeen 3-da boos ee soo hadhay marka laga yimaado kaalinta 1-aad oo ay Man City ugu cad-cadahay in ay ku dhamaysato.

Xilli ciyaareedka ayay ka hadhsanyihiin 12 kulan Supercomputer ayaana sameeyay saadaashii ugu dambaysay ee kooxaha ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in kooxaha Man United, Leicester City iyo Lierpool ku dhamaysan doonaan 3-da boos ee champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda chelsea ayuu u saadaaliyay kaalinta 6-aad iyaga oo ka dambeeya kooxda West Ham oo uu u saadaaliyay kaalinta 5-aad ee kala saraynta.


Source: laacibfm.com

SHARE