Tareenka Man City Ee Guulaha Oo Wali La Joojin Laayahay & Citizen Oo Garaacday Wolves.

Tareenka Man City Ee Guulaha Oo Wali La Joojin Laayahay & Citizen Oo Garaacday Wolves.


Kooxda Man City ayaa garaacday kooxda Wolves kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 27-aad kana dhacay garoonka Etihad Staduim.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Wolves maamulaysay dhanka kubad hasashada xilli ay Wolves ku dhibaatootay qaybtii hore in ay xitaa Goolka Man City gaadho.

Daqiiqadii 15-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu xiddig Wolves ee Leander Dendoncker si khaldan goolkiisa u dhex dhigay kubada.

Man City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u sii dheeraysan lahayd hogaanka ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado tiro beel ah xilli ay Wolves daafac u laabatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City kaliya ka dhimanayd in ay goolal badan ka dhaliyaan ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Wolves si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo marar badan halis galiyay goolka kooxda Man City.

Daqiiqadii 61-aad ayay Wolves dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Conor Coady kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Wolves ayaa heshay fursado ay Man City kaga dhalin kartay ugu yaraan 2 gool oo kale xilli daafaca Man City khal-khal galay laakiin Weeraryahanada Wolves ayaa ka faa’iidaysan waayay fursadihii ay heleen.

Daqiiqadii 80-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesu kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man City ku hogaaminayso.

Daqiiqadii 89-aad ayay Man City dishay ciyaarta kadib markii uu Riyad Mahrez u dhaliyay kooxdiisa goolkii 3-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Kooxda Man City ayaa mar kale daqiiqadii ugu dambaysay dhalisay goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaadhay guul weyn oo ay 15 dhibcood ugu qabteen hogaanka horyaalka premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE