WARBIXIN: Bishan March Oo Go’aamin Doonta Xilli Ciyaareedka Real Madrid

WARBIXIN: Bishan March Oo Go’aamin Doonta Xilli Ciyaareedka Real Madrid


Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Real Sociedad kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 25-aad.

Real Madrid ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo leh 53 dhibcood laakiin goolal kaga dambeeya Barcelona oo la dhibco ah sidoo kale 5 dhibcood ka dambeeya kooxda Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa iska khasaarisay fursad ay kaalinta 2-aad ku gali lahayd waliba 3 dhibcood u jiri lahayd Atletico Madrid ka hor kulankooda Todobaadka dambe.

Real Madrid ayaa gali doonta wakhti xasaasi u ah xilli ciyaareedkooda waxana ay doonayaan in ay ugu yaraan ku guulaystaan hal koob kadib ka bixitaankii Copa Del Rey-ga.

Bisha March ee haatan bilowga ah ayaa noqon doonta bil go’aamin doonta mustaqbalka xilli ciyaareedka Los Blancos.

Axada kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta Atletico Madrid kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka La Liga iyada oo hadii ay badiso 2 dhibcood u jiri doonto hogaamiyayaasha.

Laakiin hadii laga badiyo waxa ay iska iloobayaan riyada difaacashada horyaalka ama ma noqon doonto shaqo fudud in ay difaacdaan horyaalka.

Kulamada kale ee horyaalka La Liga ee bishan March Real Madrid ayaa la ciyaari doonta Elche kadib kulanka Atletico Madrid kadib waxa ay la ciyaari doonaan kooxaha Celta Vigo hadii ay 3-daas kulan 9 dhibcood helaan waxa ay si weyn hogaanka ugu qaban doonaan horyaalka La Liga iyaga oo sidoo kale kulamo adag la ciyaari doona isla bishan sida Athletic Bilbao, Getafe iyo Alaves.

Isla bishan March Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Atalanta champions league kulan dhici doona 16 bishan March oo ku aadan maalin Salaasa ah hadii ay badiyaan waxa ay iska xaadirin doonaan wareega xiga iyada oo ay xusid mudantahay in ay haatan guul 1/0 ah ku galayso kulanka.


Source: laacibfm.com

SHARE