Xiddig Lala Xidhiidhinayo Man United Oo Red Devils U Sheegay Qiimaha Ay Ku Heli Karto Saxiixiisa.

Xiddig Lala Xidhiidhinayo Man United Oo Red Devils U Sheegay Qiimaha Ay Ku Heli Karto Saxiixiisa.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Andre Silva ayaa Man United u sheegay qiimaha ay u baahantahay in ay miiska saarto hadii ay doonayso saxiixiisa.

Xiddiga reer Portugal ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Man United kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Wargayska O Jogo ayaa xiddiga Andre Silva waydiiyay qiimaha uu u qalmo in lagu iibsado waxana uu ku jawaabay”105 milyan”.

Isaga oo qoslaya ayuu sii raaciyay”Waan kaftamayaa, waxan u malaynayaa in aan maqlay ilaa 30 milyan oo euro, marka aan Alaabta iibinayno wax yar ayaan lacagta kor u qaadnaa”.

“Wax walba waa sida ay yihiin, wax walba oo agteena ka dhaca waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aan naftayda daryeelo oo aan qabto waxa aan qaban karo”.

“Xiisaha aan ka helayo Man United waa wax dhiiri galin i siinaya si aan aad ugu shaqeeyo waliba aan guulo gaadho”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE