Zinedine Zidane Oo Kashifay Sababtii Ay Kooxdiisu Ugu Fashilantay In Ay Guul Ka Gaadho Real Sociedad.

Zinedine Zidane Oo Kashifay Sababtii Ay Kooxdiisu Ugu Fashilantay In Ay Guul Ka Gaadho Real Sociedad.


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa qirtay in badalkii uu ku sameeyay shaxdiisa sabab u ahayd in ay ku fashilanto in ay guul ka gaadho kooxda Real Sociedad horyaalka La Liga.

Tababaraha Real Madrid ayaa shaxdiisa qaybtii dambe is badal ku sameeyay isaga oo ka dhigay 3 daafac ah taas oo sabab u noqotay goolkii 1-aad ee ay Real Sociedad dhalisay.

“Waxa aan badalay shaxda sabata oo ah kuma faraxsanayn qaabka aan cadaadiska u saarnay Real Sociedad”ayuu Zidane yidhi.

“Waxa aan shaxda badalnay 10 ilaa 15 daqiiqo ka hor inta aanan dib ugu celin shaxda 4-3-3″ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Kooxda Real Madrid ayaa ku fashilantay in ay ku dhawaato Atletico Madrid ka hor kulankooda Todobaadka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE