Chelsea Oo Laga Doonayo Xiddiga Hakim Ziyech, Koox Weyn Oo La Liga Ah Ayay Kaga Dhagantahay.

Chelsea Oo Laga Doonayo Xiddiga Hakim Ziyech, Koox Weyn Oo La Liga Ah Ayay Kaga Dhagantahay.


Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Hakim Ziyech marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Morocco ayaa ku soo biiray chelsea sanadkii hore laakiin ilaa haatan waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu la qabsado kooxda chelsea.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku dhibaaoonaya in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda chelsea xilli ciyaareedkan.

Wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid diyaarinayso dalab ay ka gudbinayso saxiixa xiddiga Hakim Ziyech marka uu furmo xagaagu.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga Ziyech diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda Chelsea hadii ayna wax is badalin inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE