Hordhac: Liverpool Vs Chelsea: Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Aad Uga Baahantahay Kulanka Adag Ee Ka Dhici Doona Anfield.

Hordhac: Liverpool Vs Chelsea: Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Aad Uga Baahantahay Kulanka Adag Ee Ka Dhici Doona Anfield.


Kulanka Ugu xiisaha Badan Premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona Kooxaha Liverpool iyo Chelsea kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan todobaadkii 27-aad ee premier League.

Kooxda Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed xun oo garoonkooda ah waliba laga badiyay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay oo xidhiidh ah.

Dhanka kale chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican waliba aan la kulmin wax guuldaro ah tan ilaa markii uu Thomas Tuchel Tababaraha u noqday kooxda.


Kulanka: Liverpool Vs Chelsea


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 11:15


Garoonka: Anfield


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Liverpool ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay chelsea, iyaga oo dhaliyay 11 gool lagana dhaliyay 4 gool kooxda kaliya ee 5 kulan oo xidhiidh ah ka badisay Chelsea Premier League ayaa ah Blackburn kuwaas oo ka badiyay 7 kulan oo xidhiidh ah.

Chelsea ayaa laga badiyay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Liverpool markii ugu dambaysay ay kulamo xidhiidh ah kala kulantay Anfield ayaa ahayd intii u dhexaysay September 1992 iyo October 1997 iyaga oo la kulmay 6 guuldaro.

Chelsea ayaa badisay 10% ee 10-kii kulan ee ay Liverpool la ciyaartay maalmaha Isniinta iyo Jimcaha marka loo bar-bar dhigo Liverpool oo 40% badisay kulamada ay ciyaartay maalmahaas.

Liverpool ayaa laga badiyay 4 kulan oo xidhiidh ah premier League iyaga jooga Anfield waana in ka badan intii laga badiyay 100-kii kulan ee uu Jurgen Klopp hogaaminayay Reds Laakiin Liverpoo ayaan Abid laga badin 5 kulan oo xidhiidh ah taariikhd garoonkooda Anfield.


Source: laacibfm.com

SHARE