Jurgen Klopp Oo Is Badal Weyn Ku Samayn Doona Shaxdiisa Kulanka Chelsea Kadib Markii Ay Xiddigo Badan U Soo Laabteen.

Jurgen Klopp Oo Is Badal Weyn Ku Samayn Doona Shaxdiisa Kulanka Chelsea Kadib Markii Ay Xiddigo Badan U Soo Laabteen.


Kooxda Liverpool ayaa kulanka chelsea dib u heli doonta xiddigaha Alisson, Fabinho & Diogo Jota kadib markii ay 3-da xiddiga ku soo laabteen tababarka buuxa.

Xiddigaha ayaa qaatay tababarka buuxa Salaasadii xilli ay Liverpool isku diyaarinayso kulanka chelsea ee Khamiista kaas oo ka dhici doona Anfleid.

Alisson aya seegay kulankii Sheffield United ee Axadii sabab la xidhiidha in fasax la siiyay kadib markii uu Aabihiis dhintay.

Fbainho ayaa dhankiisa hal kulan ciyaaray 5-tii iyo badhkii todobaad ee la soo dhaafay kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay.

Laakiin waxa la filayaa in uu ku soo laabto shaxda Liverpool kulanka chelsea.

Jota ayaa dhankiisa tababarka buuxa ku soo laabtay todobaadkii hore laakiin waxa uu seegay kulankii Sheffield United kadib xanuun soo gaadhay.


Source: laacibfm.com

SHARE