Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Xiddigaha Fabinho, Alisson Becker & Diogo Jota Ka Hor Kulanka Chelsea.

Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Xiddigaha Fabinho, Alisson Becker & Diogo Jota Ka Hor Kulanka Chelsea.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddigaha kooxdiisa ee Fabinho, Alisson Becker iyo Diogo Jota ka hor kulanka Premier League ee ay la ciyaari doonaan Chelsea.

Dhaawac muruqa ah ayaa Fabinho u diiday 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee Liverpool xilli uu Alisson seegay kulankii Sheffield United sabab la xidhiidha dhimashadii aabihiis ku timid.

Dhanka kale Jota ayaa xanuun ku seegay kulankii Sheffield United kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu garoomada uga maqnaa tan ilaa bishii December.

Klopp oo la hadlaya saxaafada ka hor kulanka chelsea ayaa yidhi”Alisson todobaad buuxa ayuu tababar qaatay sidaas darteed wuu ku soo laaban doonaa shaxda”.

“Fabinho 5 ilaa 6 tababar oo buuxa ayuu qaatay waxana aan qaadan doonaa go’aanka ka hor kulanka waxana uu ka qayb noqon doonaa liiska kulanka.

“Diogo caloosha ayaa xanuuntay ka hor kulankii Sheffield laakiin shalay waxa uu qaatay tababa buuxa waxana aan sugi doonaa sida uu noqdo ka hor kulanka”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE