Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay In Uuna Xiddigihiisa U Ogolaan Doonin Aadista Waajibaadka Xulalkooda & Hal Arin Oo Sabab U Ah.

Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay In Uuna Xiddigihiisa U Ogolaan Doonin Aadista Waajibaadka Xulalkooda & Hal Arin Oo Sabab U Ah.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uuna xiddigihiisa u ogolaan doonin in ay aadaan waajibaadka xulalkooda bishan hadii ay ku qasbanaan doonaan in ay karantiil 10 maalin ah galaan marka ay ku soo laabtaan England.

Dalka UK ayaa soo rogtay xeer keenaya in dadka ka yimaada dalalka Portugal iyo Brazil ugu yaraan 10 maalin oo karantiil ah galaan marka ay soo galaan UK.

Arintaas ayaa la macno ah in xiddigaha Alisson Becker, Roberto Firmino, Fabinho Iyo Diogo Jota gali doonaan karantiil 10 maalin ahh hadii ay aadaan waajibaadka xulka qarankooda.

“Waxan u malaynayaa in dhamaan kooxuhu isku raacsanyihiin, uma ogolaan doono in ay wiilashu baxaan xaaladan oo kale”.

“Hadii ay karantiil 10 maalin ah gali doonaan uma ogolaan doono in ay baxaan sababta oo ah ma ahan mid suurtagal ah”ayuu sii raaciyay.

“Waan fahmayaa rabitaanka FA-yada kala duwan ee dalalka laakiin wakhtigan cid walba ma farxad galin karno, waa in aan qirano in xiddigaha la siiyo lacag sidaas darteed ay tahay in aan go’aanka lahaano”.


Source: laacibfm.com

SHARE