Klopp” Hal Faa`ido Ayaan Ka Heleynaa Guul Aan Ka Gaarno Chelsea”

Klopp” Hal Faa`ido Ayaan Ka Heleynaa Guul Aan Ka Gaarno Chelsea”


Tababaraha kooxda Liverpool ee Klppp  ayaa hoosta ka xariiqay in mudnaan gaar ah ay u leedahay guul ay ka gaaraan kulanka Chelsea si ay ugu soo dhawaadaan booska 4-aad

Chelsea ayaa marti u ah maanta kooxda Liverpool oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 29-aad ee horyaalka Ingiriiska waxa ayna Liverpool haatan ku jiraan booska 6-aad ee kala sareynta horyaalka

Sky Sport ayuu Klopp ka yiri ” ma jirto mushkilad haysata Liverpool xaalkeena waa mid kubada cagta soo marta balse  mar dhaw waa aynu badaleynaa”.

” Ma jirto wax deg deg loo badali karo balse guul aan Chelsea ka gaarno booska 4-aad ayay nagu soo celin kartaa , ka dibna Fulham ayaan la ciyaareynaa”.

Waxa uu Klopp intaas sii raaciyay” aan aragno sida arimaha ku dhamaadaan , waxaan ogahay in aan weli Champion-ka u tartameyno”.


Source: laacibfm.com

SHARE