Man City Oo Ku Sii Dhawaanaysa Rikoodh Taariikhi Ah Oo Guulaha Ah Kadib Guushii 21-aad Oo Xidhiidh Ah.

Man City Oo Ku Sii Dhawaanaysa Rikoodh Taariikhi Ah Oo Guulaha Ah Kadib Guushii 21-aad Oo Xidhiidh Ah.


Kooxda Man City ayaa gaadhay guushii 21-aad oo xidhiidh ah kadib guushii 4/1 ahayd ee ay ka gaadhay Wolves Salaasadii kulan ka tirsanaa premier League.

Man City ayaa haatan gaadhi karta rikoodh taariikhi ah oo dhanka guulaha ah hadii ay Garaacaan kooxda Man United Axada kulanka Manchester Derby.

Kaliya 4 Kooxood oo ka tirsan kooxaha reer yurub ayaa haysta rikoodhka guulaha ugu badan ee tartamada taariikhda kubada cagta.

Hadii ay Man City garaacdo Man United waxa ay la bar-barayn doontaa kooxda Real Madrid oo ku jirta kaalinta 4-aad.

Ajax ayaa ahayd kooxda ugu guulaha badan ee xidhiidhka ah taariikhda kubada cagta iyaga oo 44 sano haystay rikoodhka kadib 26 kulan oo xidhiidh ah oo ay badiyeen.

Laakiin kooxda reer Wales ee The New Saints ayaa rikoodhkaas jabisay sanadkii 2016 iyaga oo guul gaadhay 27 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Kooxda Real Madrid ayaa haatan ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo xidhiidh u badiyay 22 kulan sanadkii 2014 waxana ay hal kulan ka horeeyaan kooxda Man City.

Bayern Munich ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo sanadkii 2020 guul gaadhay 23 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan iyaga oo 2 kulan u jira Man City.

Kooxda Ajaxa ayaa 26 kulan oo xidhiidh ah badisay xilli ciyaareedkii 197/1972 waxana ay 4 kulan ka horaysaa kooxda Man City halka kooxda The New Sintes 26 guul oo xidhiidh ah gaadheen sanadkii 2016 iyaga oo 5 kulan ka horeeya kooxda Man City.


Source: laacibfm.com

SHARE