Mikel Arteta Oo Loo Sheegay In Uu Iska Iibiyo Hector Bellerin & Cedric Soares, Sabab.

Mikel Arteta Oo Loo Sheegay In Uu Iska Iibiyo Hector Bellerin & Cedric Soares, Sabab.


Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Tony Adams ayaa Tababare Mikel Arteta u sheegay in uu iska iibiyo xiddiga daafaca Bidix ee Hector Bellerin & Cedric Soares kooxdana keeno hal xiddig oo fiican oo badal u noqon kara.

Xiddigii hore ee Arsenal ayaa weerar ku qaaday Bellerin wakhtiyadii hore xilli uu su’aal ka keenay saxiixa Cedric.

Bellerin ayaa ah kabtan ku xigeenka kooxda Arsenal waxana haatanba lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda xilli ay kooxaha PSG, Juventus iyo Barcelona doonayaan saxiixiisa.

Mikel Arteta ayaa dhanka kale keenay xiddiga Cedric si uu badal ugu noqdo xiddigaha Bellerin marka uu dhaawaca ku maqan yahay ama la nasinayo.

Laakiin Adams ayaa dareensan in uu Mikel Arteta u baahanyahay in uu iska iibiyo labada xiddig waliba keeno xiddig fiican.

Isaga oo la hadlaya Stadium Astro ayuu yidhi”Hadii aad keenaysid xiddigo ka heer hooseeya kuwa kuu jooga ma helaysid xiddigo ka fiican kuwa aad haysatid”.

“Cedric miyuu ka fiican yahay Bellerin? miyuu sameeyay wax horumar ah”.

“Mise waxa aad ii sheegaysaa in aan u baahanahay labadoobada? Iska dir labada xiddiga xiddigba kadib keen booskooda xiddig fiican”.

“Mar walba waa in aad keento xiddigo ka fiican kuwa kuu jooga ama haba keenin kooxda wax kale”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE