Miyuu Thiago Silva Ka Qayb Qaadan Doonaa Kulanka Liverpool? Thomas Tuchel Ayaa Ka Jawaabay.

Miyuu Thiago Silva Ka Qayb Qaadan Doonaa Kulanka Liverpool? Thomas Tuchel Ayaa Ka Jawaabay.


Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka warbixiyay xaalada daafaca kooxdiisa ee Thiago Silva ka hor kulanka premier League ee ay la ciyaari doonaan Liverpool.

Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in uu Thiago Silva seegi doono kulanka Liverpool sabab la xidhiidha in uuna wali si buuxda uga soo kabsan dhaawacii uu ku maqnaa kulamadii ugu dambeeyay.

Thomas Tuchel oo ka hadlaya xaalada xiddiga ka hor kulanka Liverpool ayaa yidhi”Thiago waxa uu kooxda la qaatay tababarkii ugu horeeyay laakiin muu dhamaystiran tababarka”.

“Sidaas darteed ma halis galin doono waxana uu seegi doonaa kulanka Liverpool”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE