N’Golo Kante Oo Digniin Adag U Diray Liverpool “Halkan Arin” Ayaa Naga Go’an Ayuu Taaganyahay.

N’Golo Kante Oo Digniin Adag U Diray Liverpool “Halkan Arin” Ayaa Naga Go’an Ayuu Taaganyahay.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea N’Golo Kante ayaa digiin adag u diray kooxda Liverpool isaga oo sheegay in ay Blues Anfield u aadi doonto in ay guul kala timaado khamiista.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa guuldaro la kulmya 4-tii kulan ee ugu dambeeyay oo xidhiidh ah ee ay ku ciyaareen Anfield Premier League inkasta oo aan markii hore Anfield looga badin tan ilaa April 2017.

Laakiin Reds ayaa wadada guulaha ku soo laabtay Axadii markii ay 2/0 ku garaaceen kooxda Sheffield United.

Guushaas ayaa Reds ka caawisay in ay hal dhibic ka dambayso kooxda chelsea oo kaalinta 5-aad ku jirta laakiin Kante ayaa sheegay in ay Chelsea aadi doonto Anfield iyaga oo isha ku haya 3-da dhibcood ee kulanka.

“Waa kulan muhiim noo ah, waxa aan ugu dhawnahay horyaalka, waxa aan Anfield u aadaynaa in aan guul gaadhno, waan ognahay in uuna kulan fudud noqon doonin laakiin rajo ayaan la aadaynaa waxana aan hubaa in aan natiijo fiican kala iman karno Anfield”ayuu Kante u sheegay Sky Sport.

“Man United, Leicester City iyo West Ham ayaa dhamaantood naga horeeya laakiin wali waxa hadhay kulamo badan waxana aan ku jirnaa qaab ciyaareed fiican waxana aan leenahay awood aan meel fiican ugu dhamaysan karno horyaalka”.

“Waxa aan u baahanahay in aan u dagaalano, u diyaar garawno wax walbana u samayno sidii aan ugu dhamaysan lahayn 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka”.


Source: laacibfm.com

SHARE