Ruben Dias Oo Magacaabay Daafacyadii Uu Ka Daawan Jiray Premier League Markii Uu Da’yarka Ahaa.

Ruben Dias Oo Magacaabay Daafacyadii Uu Ka Daawan Jiray Premier League Markii Uu Da’yarka Ahaa.


Daafaca kooxda Man United ee Ruben Dias ayaa qirtay in uu taageere u ahaa kuna dayan jiray Halyeeyada kooxda Man United ee Rio Ferdinand & Nemanja Vidic.

Daafaca reer Portugal ayaa 62 milyan oo euro ugu soo biiray Man City isaga oo kaga soo biiray kooxda Benfica.

Dias ayaa saamayn deg-deg ah ku yeeshay kooxda Man City isaga oo fure u ah qaab ciyaareedka kooxda ee xilli ciyaareedkan.

“Markii aan da’yarka ahaa waxa aan daawan jiray premier League todobad walba waxa aan daawan jira daafacyada Ferdinand,Vidic, Kompany, John Terry

ayuu Dias yidhi.

“Waxa aan halkaas ka bilaabay barashada sida loo difaacdo waxana aan haatan fahmayaa Horyaalka iyo sida looga ciyaaro”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE