Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Kaga Hor Tagto Sevilla Kulan Ay U Baahantahay Soo Laabasho Si Ay U Gaadho Final-ka Copa Del Rey-ga.

Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Kaga Hor Tagto Sevilla Kulan Ay U Baahantahay Soo Laabasho Si Ay U Gaadho Final-ka Copa Del Rey-ga.


Tababare Ronald Koeman ayaa u baahan in uu sameeyo go’aan weyn oo dhanka khadka dhexe ah marka ay kooxdiisu caawa la ciyaari doonto Sevilla kulanka Lugta 2-aad ee Semi-final-ka Copa Del Rey-ga.

Barcelona ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay Sevilla Sabttidii waxana ay doonaysaa in ay isla natiijadaas gaadho kulanka caawa hadii ay doonayso in ay iska xaadiriso Final-ka maadama ay kulankii lugta hore ee Copa del Rey-ga kala kulantay guuldaro 2/0 ah.

Barcelona ayaa dhaawac ku wayday kulankii Sevilla xiddiga da’yarka ah ee qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Pedri kaas oo seegi doona kulanka.

Sidaas darteed Ronald Koeman ayaa midkood shaxdiisa kulanka caawa u dooran doona Miralem Pjanic, Ilaix Moriba & Riqui Puig khadka dhexe.

Xiddigaha Gerard Pique & Ronald Araujo ayaa dhankooda dhaawac uga baxay kulankii Sevilla ee sabtidii ee horyaalka Laaakiin labada xiddig ayaa la filayaa in ay taam u noqdaan kulanka.

Kadib markii uu 5 daafac ah ku ciyaaray kulankii Seviila ee Sabtidii Koeman ayaa la filayaa in uu mar kale sidaas sameeyo kulanka caawa.


Shaxda Macquulka ah ee ay Barcelona ku soo gali karto kulanka caawa:

Ter Stegen; Mingueza, Pique, Umtiti; Dest, De Jong, Busquets, Puig, Alba; Messi, Dembele


Source: laacibfm.com

SHARE