Soo Laabasho: Barcelona Oo Soo Laabasho Kale Oo Taariikhi Ah Samaysay Iskana Xaadirisay Final-ka Copa Del Rey-ga, Sevilla Ayay Garaaceen.

Soo Laabasho: Barcelona Oo Soo Laabasho Kale Oo Taariikhi Ah Samaysay Iskana Xaadirisay Final-ka Copa Del Rey-ga, Sevilla Ayay Garaaceen.


Kooxda Barcelona ayaa samaysay soo laabasho kale oo taariikhi ah iyaga oo iska xaadiriyay Final-ka tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan.


Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilowday qaab dar-dar leh oo ay Barcelona u ciyaarayso xilli ay isha ku hayeen in ay dhaliyaan goolal deg-deg ah oo u suurtagalisa in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Dhanka kale Sevilla oo guul 2/0 ah soo gaadhay lugtii hore ayaa ku bilaabatay ciyaarta qaab difaacasho iyo daganaan ah iyaga oo aan ku deg-degayn in ay weerar ku qaadaan Barcelona.

Saaxiibada Lionel Messi oo ay ka dhab tahay in ay ciyaarta ku soo laabtaan ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta sameeyay fursado halis galiyay kooxda Sevilla.

Daqiiqadii 12-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kaas oo u dhaweeyay rajadooda ah in ay ciyaarta ku soo laabtaan iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Laakiin Sevilla ayaa ku jirtay daafac waali ah iyaga oo aan Barcelona u ogolaan in ay kubad la hor yimaadaan shabaqooda.

Dhanka kale Sevilla ayaa qaaday weeraro rogaal celis ah oo goos-goos ah oo ay ku doonaysay in ay Barcelona kaga dhaliso gool.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hor ee ciyaarta oo ay Barcelona natiijada hogaaminayso waliba tahay kooxda fiican laakiin ay wali ku dambeeyaan guud ahaan kulan.


Qaybta Dambe:

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay sidii ay qaybtii hore ku dhamaystay iyaga oo weerar waali ah ku waday kooxda Sevilla kuwaas oo dhankooda ku dhimanayay difaacashada goolkooda.

Dhanka kale Sevilla ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo aad u yar kuwaas oo ay kaga faa’iidaysanayeen daafacyada Barcelona ee soo baxsan.

Daqiiqadii 73-aad ayay Sevilla qaaday weerar rogaal celis ha waxana daafaca Barcelona ee Mingueza khalad ku galay xiddiga Sevilla ee En-Nesyri waxana u istaagay xiddiga Lucas Ocampos laakiin waxa si qurux badan rikoodhada u badbaadiyay Goolhaye Ter Stegen kaas oo kooxdiisa ciyaarta ku sii hayay.

Kooxda Sevilla oo markii horeba 11 xiddig ku difaacanaysay Goolkeeda ayaa daqiiqadii 90+2-aad kaadhka cas ee tooska ah looga taagay xiddiga Fernando kaas oo khalad ku galay Lionel Messi.

Isla daqiiqadii 90+4-aadba Kooxda Barcelona ayaa dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Gerard Pique kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay 90-kii daqiiqo ee dibiiciga ahaa iyada oo labada kooxood bar-baro yihiin marka labada kulan la qiimeeyo.

Ciyaarta ayaa lag daray 30 daqiiqo si ay labada kooxood ugu kala baxaan Kulanka midkoodna iska xaadiriyo Final-ka tartanka Copa Del Rey-ga.

Daqiiqadii 95-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Martin Braithwaite kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona iska xaadirisay Final-ka Copa Del Rey-ga guul soo laabasho leh oo taariikhi ahna ka gaadhay kooxda Sevilla.


Source: laacibfm.com

SHARE