WARBIXIN: 4 Sabab Oo Barcelona Ka Caawin Karta In Ay Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadho Sevilla Kulanka Cawaa

WARBIXIN: 4 Sabab Oo Barcelona Ka Caawin Karta In Ay Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadho Sevilla Kulanka Cawaa


Kooxda Barcelona ayaa isha ku haysa in ay samayso soo laabasho marka ay caawa marti galin doonaan kooxda Sevilla kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka Copa del Rey-ga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay Sevilla lugtii 1-aad ee kulanka kaas oo ay Sevilla si qurux badan u ciyaartay.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 4 arin oo ay Barcelona ugu rajo weyntahay in ay samayn doonto soo laabasho kulanka caawa.

1.Sababta ugu horaysa ayaa ah in ay dhacdo sidan o kale ah dhacday 8 dhamaadkii Copa Del Rey-ga ee sanadkii 2018 markaas oo ay Barcelona guuldaro 2/0 ah kala kulantay Sevilla kulankii lugta gore laakiin guul 6/1 ah gaadhay lugtii sidaasna iyaga oo sidaas isaga xaadiriyay Semi-final-ka tartanka.

2.Sababta kale ayaa ah guushii ugu dambaysay ee ay Barcelona ka gaadhay kooxda Sevilla kana tirsanaa horyaalka La Liga ee dhacday sabtidii waana natiijo dhiiri galinaysa kooxda Barcelona in ay guul ka gaadho kulanka caawa.

3.Sababta 3-aad ayaa ah taariikhda marka loo eego in uuna tababar Julen Lopetegui wax guul ah ka gaadhin kooxda Barcelona oo joogta garoonka Camp Nou dhamaan kooxihii uu soo tababaray.

4.Sababta ugu dambaysa ayaa ah in uu xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi rikoodh fiican ku leeyahay kooxda Sevilla waliba gool ka dhaliyay 8 kulan oo xidhiidh ah.


Source: laacibfm.com

SHARE