XASAASI: Lionel Messi Oo Qaaday Talaabo Muujinaysa Kooxda Uu Xagaaga Ku Biiri Doono.

XASAASI: Lionel Messi Oo Qaaday Talaabo Muujinaysa Kooxda Uu Xagaaga Ku Biiri Doono.


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba bilaabay in uu guri ka raadsado magaalada Paris ka hor inta uuna u dhaqaaqin PSG sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Barcelona ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 23 gool 6 caawina sameeyay tartamada oo dhan.

Laakiin waxa la filayaa in uu isaga tago kooxda marka loo eego in uu doonayay in uu isaga tago kooxda xagaagii hore.

Kooxda PSG ayaa si weyn u doonaysa saxiixa xiddiga reer Argentine si ay uga garab ciyaarsiiso saaxiibkiisii hore ee Neymar.

Wargayska OkDiario ayaa sheegaya in uu Lionel Messi haatanba bilaabay raadinta guri uu ka dago magaalada Paris si uu ugu biiro kooxda xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE