Arsenal Oo Ku Biirtay Baacsiga Daafac Aad Loo Qiimeeyo, Badalka David Luiz Ayay U Aragtaa.

Arsenal Oo Ku Biirtay Baacsiga Daafac Aad Loo Qiimeeyo, Badalka David Luiz Ayay U Aragtaa.


Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay baacsiga loogu jiro daafaca kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu isku shaandhayn weyn ku sameeyo kooxdiisa si uu u keeno xiddigo uu ku xoojiyo kooxda waxana la filayaa in uu la soo saxiixdo daafacyo cusub.

Arsenal ayaa haatanba iska fasaxday xiddigo badan oo daafac ah waxana uu Mikel Arteta doonayaa in uu keeno xagaaga daafac cusub waxana uu bartilmaameedsaday daafaca kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate.

Wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in ay Arsenal sidoo kale Ibrahima Konte u aragto badalka Mustaqbalka fog ee David Luiz.


Source: laacibfm.com

SHARE