Barcelona Oo 5 Kulan Ciyaartay Wakhti Dheeri Ah 2 Bilood Gudohood.

Barcelona Oo 5 Kulan Ciyaartay Wakhti Dheeri Ah 2 Bilood Gudohood.


Kooxda Barcelona aya ciyaartay wakhti dheeri ah markii 5-aad xilli ciyaareedkan kadib markii ay kulan Semi-final-ka Copa Del Rey-ga ah la ciyaartay kooxda Sevilla.

Barcelona ayaa u baahatay 120 daqiiqo laba ka mid ah kulamadii hore ee Copa Del Rey-ga iyaga oo wakhti dheeriga ah la gaadhay kooxaha Cornella iyo Granada.

Sidoo kale Tartanka Spanish Super Cup-ka ayay Barcelona u baahatay laba kulan Wakhti dheeri ah markii ay rikoodhayaal kaga badisay kooxda Real Sociedad iyo kulankii Athletic Bilbao.

Sidaas darteed markii uu Gerard Pique dhaliyay goolka daqiiqadihii ugu dambeeyay waxa ay la macno ahayd in ay Barcelona ciyaartay kulankii 5-aad wakhti dheeri ah muddo 2 bilood gudohood ah.


Source: laacibfm.com

SHARE