Barcelona Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawac Soo Gaadhay Gerard Pique.

Barcelona Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawac Soo Gaadhay Gerard Pique.


Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday maanta oo khamiis ah in daafaca Gerard Pique uu soo gaadhay dhaawac ka soo gaadhay jilibka Lugta Midig.

Kooxda Barcelona ayaan shaacin mudada uu ka maqnaan doono garoomada xiddigu laakiin waxa ay sheegtay in ay la socon doonaan horumarka xiddiga ee dhaawaciisa.

Pique ayaa ku dhaawacmay kulankii Sevilla ee Copa Del Rey-ga waxana lagu daweeyay garoonka dhexdiisa isaga oo dhamaystay intii ka dhimanayd ciyaarta.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa dhawaac wakhti dheer ah ka soo laabtay dhawaan laakiin waxa uu mar kale ku noqday qolka daawaynta

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Barcelona iyo Tababare Ronald Koeman maadama ay Barcelona 2 todobaad kadib la ciyaari doonto kooxda PSG kulanka champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE