Borussia Dortmund Oo Kooxaha Doonaya Erling Haaland Fariin U Dirtay, Maxaa Cusub?

Borussia Dortmund Oo Kooxaha Doonaya Erling Haaland Fariin U Dirtay, Maxaa Cusub?


Madaxa fulinta kooxda 1-aad ee kooxda Borussia Dortmund Sebastian Kehl ayaa sheegay in uu filayo in uu xiddiga Erling Haaland in uu sii joogi doono kooxda Borussia Dortmund xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee kubada cagta xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 27 gool 27 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Kooxaha Man City, Man United, Chelsea, Liverpool iyo Real Madrid ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga xagaaga.

Sebastian Kehl oo la hadlaya wargayska Bild ayaa yidhi”Waxa aan filaynaa in uu sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan”.


Source: laacibfm.com

SHARE