Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Xiddig Bayern Munich U Ciyaara.

Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Xiddig Bayern Munich U Ciyaara.


Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah miiska u saartay kooxda Bayern Munich oo ay ka doonayso saxiixa daafaca dhexe ee Niklas Sule.

Xilli uu Dayot Upamecano iman doono Bayern Munich xagaaga mustaqbalka Sule ee Bayern Munich ayuu shaki soo wajahay.

Agaasimaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in ayna kooxdu heshiis cusub u soo bandhigi doonin daafaca.

Haatan wargayska Abendzeitung ayaa sheegaya in ay chelsea dalab Rasmi ah miiska u saartay Bayern Munich si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Sule ayaa ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo waliba garabka bidix ee daafaca waxana uu ku dhibaatoonayaa in uu boos joogto ah ka helo kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE