Daawo: Fal Celiskii Waalida Ahaa Ee Lionel Messi Kadib Markii Uu Gerard Pique Dhaliyay Goolka Bar-Baraha Daqiiqadii Ugu Dambaysay Kulankii Sevilla.

Daawo: Fal Celiskii Waalida Ahaa Ee Lionel Messi Kadib Markii Uu Gerard Pique Dhaliyay Goolka Bar-Baraha Daqiiqadii Ugu Dambaysay Kulankii Sevilla.


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa fal celin waali ah ka sameeyay goolkii bar-baraha ee ay kooxdiisu dhalisay daqiiqadii ugu dambaysay ee kulankii Semi-final-ka tartanka Copa Del Rey-ga.

Daafaca Gerard Pique ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa oo ahaa goolkii bar-baraha kulankii Semi-final-ka lugta 2-aad ee tartanka Copa Del Rey.

Kooxda Barcelona ayaa ciyaarta ku hogaaminaysay 1/0 inta badan ee ciyaarta laakiin Barcelona ayaa tartan wakhtiga kula jirtay maadama looga baahnaa gool kale hadii ay doonayaan in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayuu Gerard Pique dhaliyay gool madax ah taas oo la macno ahayd in ay Barcelona ku soo laabtay ciyaarta waliba wakhti dheeri ah labada kooxood isla gaadheen wakhti dheeri ah.

Kadib goolka Gerard Pique waxa la helay muuqaal muujinaya fal celintii Lionel Messi isaga oo la arkay isaga oo kor u bood-boodaya farxad darteed kuna soo ordaya dhanka dabaal daga.


Halkan Hoose Kaga Daawo Muuqaalka Fal Celinta Lionel Messi:


Source: laacibfm.com

SHARE