Inter Milan Oo Lautaro Martinez U Adeegsan Karta Amaah Ay Man United Ku Leedahay, Qaab Noocee Ah?

Inter Milan Oo Lautaro Martinez U Adeegsan Karta Amaah Ay Man United Ku Leedahay, Qaab Noocee Ah?


Kooxda Man United ayaa heli karta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez xilli ay Inter raadinayso wado ay kaga baxdo masiibada dhaqaale ee ay ku jirto.

Man United ayaa Inter Milan ku leh 50 milyan oo euro oo ka mid ah lacagtii ay Inter Milan kula wareegtay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kooxda reer Italy ayaana ilaa haatan ku fashilantay in ay bixiso lacagtaas.

Wargayska Corriere della Sport ayaa sheegaya in ay Inter Milan ku jirto xaalad dhaqaale xumo sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Inter Milan kooxda Man United siin doonto xiddiga Lautaro Martinez si ay ugu bixiso lacagta ay ku leedahay.

Man United ayaa dhankeeda raadinaysa weeraryahan cusub xilli ay ku jirto qaab ciyaareed xun oo goolka hortiisa ah maadama ayna wax gool ah dhalin 3-dii kulan ee ugu dambeyay tartamada oo dhan.


Source: laacibfm.com

SHARE