Kulamada Uu David de Gea Seegi Doono & Sababta Uu U Seegi Doono Oo La Ogaaday.

Kulamada Uu David de Gea Seegi Doono & Sababta Uu U Seegi Doono Oo La Ogaaday.


Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono ugu yaraan 6 kulan sabab la xidhiidha arimo shaqsi ah.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu David De Gea ku laabtay dalka Spain sabab la xidhiidha in xaaskiisa Edurne sugayso Ilmihii 3-aad.

De Gea ayaa la rumaysanyahay in uu doonayay in uu iska sii ciyaaro laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa Goolhayaha u sheegay in uu la joogo qoyska ilaa laga gaadho kadib fasaxa xulalka.

Talaabadaas ayaa la macno ah in uu Goolhayaha 30 jirka ah ka maqnaan doono 6 kulan oo ay 4 ka mid ah yihiin Premier League iyo 2 kulan oo Europa League.

Goolhayaha reer Spain ee David De Gea ayaa seegi doona kulamada Man City, Ac Milan (2), West Ham, Leicester City iyo Brighton.


Source: laacibfm.com

SHARE