Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Halka Arin Ee Wel-Welka Ku Haysa Kadib Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Crystal Palace.

Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Halka Arin Ee Wel-Welka Ku Haysa Kadib Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Crystal Palace.


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in uu ka wel-welsanyahay Gool la’aanta kooxdiisa kadib bar-barihii ay Kooxdiisu la gashay Crystal Palace.

Red Devils ayaa ku dhibaatootay in ay wax fursado ah samayso kulankii Crystal Palace iyada oo kooxda Man United kulankii 3-aad oo xidhiidh ah bar-baro gool la’aan ah gashay kadib kulamadii Chelsea iyo Real Sociedad.

Man United ayaa Axada u safri doonta Garoonka Hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City waxana ay ku qasbanyihiin in ay guul ka gaadhaan kooxda Pep Guardiola.

Ole Gunnar Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Dabcan kuma faraxsani in aanan abuurin fursado fiican oo aan kulanka guul ku gaadhi karno”.

“Waxa aan soo qaadanay todobaad aanan wax gool ah dhalin, 3 kulan oo gool la’aan ah waxa ay kugu keenaysaa wel-wel”ayuu sii raaciyay.

“Aad ayaan uga wel-welsanahay in aanan wax gool ah dhalin laakiin xiddigaha Man United wax walba way u sameeyeen si ay goolal u dhaliyaan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE