PSG Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Neymar Ka Hor Kulanka Barcelona Ee Champions League.

PSG Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Neymar Ka Hor Kulanka Barcelona Ee Champions League.


Xiddigaha Kooxda PSG ee Neymar iyo Marco Verratti ayaa ku soo laatay tababarka buuxa ee kooxda ka hor kulanka lugta 2-aad ee wareega 1-ka champions League ee ay la ciyaari doonaan Barcelona.

Xiddigaha Neymar iyo Marco Verratti ayaa dhaawac kaga maqnaa kooxda PSG kulamadii ugu dambeeyay laakiin haatan si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdooda.

Neymar ayaa dhaawacaas ku seegay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Barcelona kulankii lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions Leageu.

Laakiin Warka fiican ayaa ah in uu Neymar diyaar buuxa u noqon doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Barcelona lugta 2-aad ee champions League.

Neymar ayaa si weyn u doonayay in uu ka qayb qaato kulanka ay kooxdiisa PSG la ciyaari doonto kooxdiisii hore ee Barcelona todobaadka soo socda.


Source: laacibfm.com

SHARE