Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawac Xiddig Kooxdeeda Ah Ka Hor Kulanka Atletico Madrid.

Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawac Xiddig Kooxdeeda Ah Ka Hor Kulanka Atletico Madrid.


Masiibada Dhaawacyada kooxda Real Madrid ayaa sii socota xilli ay Kooxdu xaqiijisay dhaawac xiddig kooxda 1-aad ah ka hor kulanka adag ee Madrid Derby ee ay la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mariano Díaz kaas oo kooxda u ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay kadib dhaawacii Karim Benzema.

Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu Mariano Díaz soo gaadhay dhaawac muruqa ah oo Sarcanta ah kadib baadhitaan lagu sameeyay xiddiga maanta oo khamiis ah.

Kooxda Real Madrid ayaan xaqiijin mudada uu Mariano Díaz ka maqnaan doono garoomada laakiin waxa la filayaa in uu seegi doono kulanka Atletico Madrid.

Warkan ayaa ah dhirbaaxo marka loo eego in ay kooxdu haatanba la daalaa dhacayso dhaawacyo ay ka qabaan xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE