Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Chelsea Kulanka Caawa.

Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Chelsea Kulanka Caawa.


Kooxda Liverpool ayaa caawa kulan adag marti galin doonta Chelsea kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Anfield.

Reds ayaa dib u heshay xiddigo badan oo dhaawac uga maqnaa iyaga oo diyaar u ah xiddigaha Jota, Fabinho iyo Alisson kuwaas oo taam u ah kulanka.

Tababare Klopp ayaa shaxdiisa ugu adag ku soo gali kara kulanka adag ee chelsea isaga oo isha ku haya in uu guul ku hogaamiyo kooxdiisa.

Fabinho ayaa la filay uu daafaca dhexe kaga garab ciyaaro xiddiga Kabak halka Alisson la filayo in uu ku bilowdo goolka kooxda Liverpool.

Dhanka weerarka Jota ama Firmino ayaa midkood ku bilaaban doona shaxda xilli uu Jota taam buuxa u yahay in uu ku bilowdo shaxda Reds.


Source: laacibfm.com

SHARE