WARBIXIN: Sababaha Barcelona Ka Caawiyay Guushii Soo Laabashadii Ay Ka Gaadhay Sevilla

WARBIXIN: Sababaha Barcelona Ka Caawiyay Guushii Soo Laabashadii Ay Ka Gaadhay Sevilla


Habeen Cajiib ah ayay Arkeen taageerayaasha Barcelona kadib markii ay iska xaadiriyeen Semi-final-ka tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa gaadhay guul 3/0 ah kulan ay garaacday Sevilla kulan ka dhacay Camp Nou taas oo la macno ah in ay Barcelona dhanka kale u rogtay guuldaradii 2/0 ahayd ee Barcelona ka soo gaadhay lugtii hore iyaga oo ku baxay 3/2.

Hadaba waxa aan warbixintanku soo bandhigi doonaa waxyaabihii Barcelona ka caawiyay in ay gaadho guul soo laabasho leh.


1.Koeman Oo Ku Adkaystay shaxdiisii hore:

Tababare Ronaldo Koeman ayaa ku soo galay isla shaxdii uu Sevilla ku garaacay sabtidii kulankii horyaalka oo ahayd 3-5-2.

Koeman ayaa qaabkaas ku joojiyay weeraradii ay kooxda Sevilla ku qaadi lahayd kooxdiisa isaga oo ka xidhay halka wado ee ay haysteen ee ahayd in ay qaadaan weeraro rogaal celis ah.

Isku soo wada duuboo qaab ciyaareedkii Ronald Koeman u shaqo galiyay kooxdiisa ayaa ahayd sababtii ugu horaysay ee Barcelona ka caawisay in ay guul soo laabasho leh ka gaadho Sevilla kulankii Camp Nou.


2.Marc-André ter Stegen Oo Ahaa Halyeeyga Barcelona:

Goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa mar kale muujiyay tayadiisa iyo waliba in uu ka mid yahay Goolhayayaasha ugu fiican adduunka isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxda Sevilla ayaa heshay rikoodhe bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta waxana ay ahayd fursad ay Sevilla ku disho rajada Barcelona ee soo laabashada.

Laakiin Goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa si cajiib ah u badbaadiyay kubada isaga oo waliba ku dhagay kubada una diiday Sevilla in ay dhaliso goolka.

Arintaas ayaa gabi ahaan dishay rajada kooxda Sevilla ee ciyaarta waxana uu Marc-André ter Stegen door weyn ka qaatay in ay kooxdiisu guul ka gaadho kooxda Sevilla kulankii xalay.


3.Ka Go’naanshaha Xiddigaha Barcelona:

Haa, ciyaarta ayaa ku bilaabatay si fiican, Barcelona ayaa dhalisay gool deg-deg ah laakiin Wali Kooxda ayaa ku dambaysay natiijada maadama wali looga baahnaa gool kale si ay ciyaarta ugu soo laabato.

Laakiin xiddigaha Kooxda Barcelona ayay ka go’nayd in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo aan marna ka niyad jabin in ay ciyaarta natiijo kala baxaan.

Ka go’naanshaha xiddigaha iyo waliba rabitaankooda ahayd in ay kulanka ku soo laabtaan waliba ayna ka niyad jabin ayaa sidoo kale keentay in ay soo laabato ciyaartu waliba iska xaadiriso Final-ka tartanka Copa Del Rey-ga.


Source: laacibfm.com

SHARE