Arsenal Oo Ka Shaqaynaysa 6 Saxiix Oo Ay Ku Xoojinayso Kooxda Xagaaga.

Arsenal Oo Ka Shaqaynaysa 6 Saxiix Oo Ay Ku Xoojinayso Kooxda Xagaaga.


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta iyo Agaasimaha ciyaara ee Edu ayaa lagu soo waramayaa in ay ka shaqaynayaan 6 saxiix oo kala duwan ka hor furitaanka suuqa xagaaga.

Gunners ayaa ku jirta xillli ciyaareed niyad jab leh iyaga oo ku jira kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Wargayska Football London ayaa sheegaya in ay fashilka ay kooxdu u fashilantay u tartamista boosaska champions League ay sabab u noqon doonto in ay kooxda xiddigo badan oo cusub yimaadaa.

Isla wargaysa ayaa sehegaya in ay kooxda Arsenal doonayso in ay iska iibiso xiddigaha Alexandre Lacazette, Hector Bellerin, Iyo Lucas Torreira xagaaga.

Xiddigaha ay kooxdu keeni doonto waxa ka mid ah xiddigaha Tariq Lamptey oo u ciyaara Brighto, Ibrahima Konate oo u ciyaara RB Leipzig iyo xiddiga weerarka uga ciyaara Celtic ee Odsonne Edouard.


Source: laacibfm.com

SHARE