Arsenal Oo U Furan In Ay Iska Iibiyaan Mid Ka Mid Ah Weeraryahanada Kooxda

Arsenal Oo U Furan In Ay Iska Iibiyaan Mid Ka Mid Ah Weeraryahanada Kooxda


Arsenal ayaa lagu waramayaa in ay u furan in ay dhageystaan dalab xagaaga laga keeno weeraryahankooda Lacazette waa haddii qiimo macquul ah laga  keeno sida Football London laga soo xiganayo .

Arsenal oo xiddigo dhowr ah ka baadi goobeysa suuqa ayaa dhanka kale u furan in ciyaartooy iska iibiyaan waxaana magaciisa haatan uu soo galay Lacazette .

Wiilkaas reer France ayaa Arsenal u yimid 2017-kii , waxaana ilo ku dhaw macalinka kooxdaas ee Arteta sheegayaan in uu u furan yahay in laacibkiisa Lacazette la iibiyo xagaaga.

Mushaar todobaadkii gaaraya 200k  oo gini ayuu Lacazette ka qaataa Arsenal , waxa ayna arintaan imaaaneysaa xilli Aubameyang  uu u muuqdo in uu daboolay baahida wiilkaas reer France

Lacazette ayaa haatan lala xariirinayaa in uu aadi doono horyaalka Spain oo illaa iyo xagaagii laga doonayay waxaana laacibkaas hore Monaco isha ku haysa Atkletico Madrid .


Source: laacibfm.com

SHARE