DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Bishii February Ee Premier League Oo La Soo Saaray.

DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Bishii February Ee Premier League Oo La Soo Saaray.


Waxa la soo saaray 8-da xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League bishii February ee horyaalka Premier League.


Joachim Andersen (FUL):

Xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara Fulham ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay shabaqa ilaashadaan 4 ka mid ah 6 kulan oo ay ciyaareen iyaga oo laga dhaliyay kaliya 3 gool halka uu caawiye ka noqday goolkii uu Olan Aina ka dhaliyay Burnley.


Harvey Barnes (LEI):

Xiddiga garabka uga ciyaara Leicester City ee Barnes ayaa gool ka dhaliyay kooxda Liverpool ka hor inta uuna caawiye ka noqon gool kulankii Aston Villa isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho guul 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ay bisha ciyaartay.


Joao Cancelo (MCI):

Cancelo ayaa door muhiim ah ka qaatay guulaha xidhiidhka ah ee kooxda Man City isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay in ay garaacdo kooxaha ay ka midka yihiin Liverpool iyo Tottenham.


Bruno Fernandes (MUN):

Kubad sameeyaha reer Portugal ayaa 7 gool ku lug lahaa bishii la soo daafay isaga oo dhaliyay gool sidoo kale laba kale caawiye ka noqday kulankii Southampton ka hor inta uuna goolal ka dhalin kooxaha Everton, West Brom iyo Newcastle.


Ilkay Gundogan (MCI):

Gundogan aya dhaliyay 2 gool kulankii ay kooxdiisu garaacay Liverpool halka uu sidoo kale dhaliyay 2 gool kulankii Tottenham isaga oo sidoo kale caawiye ka noqday gool uu Raheem Sterling ka dhaliyay Burnley.


Jesse Lingard (WHU):

Lingard ayaa si fiican ku bilowday noloshiisa west Ham isaga oo dhaliyay 2 gool kulankiisii ugu horeeyay sidoo kale caawiye ka noqday goolal ay kooxdiisu ka dhalisay Sheffield United iyo Man City ka hor inta uuna gool ka dhalin kooxda Tottenham.


Ruben Neves (WOL):

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ayaa dhaliyay 3 gool iyo 2 caawin waxana uu kooxdiisa ka caawiyay in ay guulo ka gaadhaan kooxaha Southamoton, Arsenal iyo Newcastle.


Raphinha (LEE):

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay laad xor ah oo cajiib ah kulankii Southampton halka uu gool ka dhaliyay kooxda Southampton sidoo kale caawiye ka noqday gool kooxdiisu ka dhalisay Arsenal.


Source: laacibfm.com

SHARE