Jack Grealish Oo Daboolka Ka Qaaday Sababatii Uu Xagaagii Ugu Soo Biiri Waayay Man United

Jack Grealish Oo Daboolka Ka Qaaday Sababatii Uu Xagaagii Ugu Soo Biiri Waayay Man United


Kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa hoosta ka xariiqay sababta uu xagaagii uu u diiday in uu ugu wareego Man United .

United ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuushay saxiixa Jack Grealish ,laacibkaas waxa uu yiri ” uma baahneyn in aan u saxiixo United xagaagii waayo waxa ay haystaan Bruno Fernandes”

Aston Villa  ayaa qiimaha ku adkeysay United waana sababta uu u fashilmay isku daygii kooxdaas United kuwaasii oo  iyana diiday in ay bixiyaan aduun dhan 80 milyan oo gini si 25 sano jirkaas u helaan.

Hishiiska Jack Grealish ee Aston Villa ayaa ku siman xagaaga 2025-ka

Taageero United ah  ayaa Jack Grealish weydiiyay su`aal ah , maxaad Uinited ugu soo biiri waysay waxa uun laacibkaas ku jawaabay” Bruno ayay heleen”

Inkastoo qadkaan dhexe xaalkiisa uu sidaas yahay hadana United weli kama quusan saxiixiisa waxa ayna mar kale isku dayayaan marka suuqa xagaaga uu furmo dhawaan


Source: laacibfm.com

SHARE