Jurgen Klopp Oo Ku Farxay Fal Celiskii Mohamed Salah Kadib Badalkii Uu Ku Sameeyay.

Jurgen Klopp Oo Ku Farxay Fal Celiskii Mohamed Salah Kadib Badalkii Uu Ku Sameeyay.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu ku farxay fal celintii Mohamed Salah ee ahayd cadhada kadib badalkii uu ku sameeyay xiddiga kulankii Anfield.

Tababare Klopp ayaa Sameeyay badalkiisii ugu dhakhsaha badnaa kadib markii uu Mohamed Salah ku badalay Diogo Jota daqiqiadii 62-aad ee qaybta hore.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan ku faraxsanahay marka ay wiilashu ka niyad jaabaan badalka lagu sameeyo, wax dhibaato ma ahan”.

“Ma doonayn in aan halis galiyo Mohamed Salah sababta oo ah waxa uu u muuqday mid daalan sidaas darteed waxa aan dareemay in uu badal u baahanyahay”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE