Jurgen Klopp Oo Sharaxay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Mohamed Salah.

Jurgen Klopp Oo Sharaxay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Mohamed Salah.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu doonayay in uu keeno lugo aan daalanayn kadib markii uu badalka ku sameeyay xiddiga Mohamed Salah.

Klopp ayaa badalay Mohamed Salah daqiiqadii 62-aad kaas oo ah badalkii ugu dhakhsaha badnaa ee uu sameeyay Jurgen Klopp premier League.

Salah ayaa lagu badalay xiddiga Diogo Jota laakiin xiddiga ayaa si weyn uga xanaaqay waliba muujiyay fal celin xanaaq weyn ka muuqdo.

“Kaliya waxa aan doonayay in aan keeno Lugo aan daalanayn”ayuu Klopp u sheegay Sky Sport.

“Mohamed waxa uu u muuqday mid daalan maadama uu ciyaaray kulamo badan”.

“Waxa aan badali karay Sadio, Firmino iyo xiddigo kale oo badan laakiin wakhtiga badalka Salah ayaa  muuqday mid daalan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE