Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim U Ah Kooxdiisa Oo Seegi Doona Kulanka Fulham.

Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim U Ah Kooxdiisa Oo Seegi Doona Kulanka Fulham.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in daafaca Ozan Kabak uu seegi doono kulanka ay kooxda Liverpool Axada la ciyaari doonto Fulham.

Daafaca dhexe ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay chelsea Khamiistii.

“Ozan waxa uu dareemay dhibaato kulankii chelsea, waxa uu ciyaaray kulamo badan sidaas darteed waa eegi doonaa in uu taam u noqdo kulanka”.

“Laakiin uma malaynayo in uu ciyaari doono kulanka Fulham”ayuu Jurgen Klopp sii raaciyay.

Dhaawacan ayaa xaalka ku sii xumaanaya tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisa oo dhaawacyo ku dhibaatoonaysa xilli ciyaareedkan.

Ozan ayaa xiddig muhiim ah ka noqday Liverpool isaga oo joogto ugu ciyaaray kooxda tan ilaa markii uu amaahda ugu soo biiray maalintii ugu dambaysay suuqii January.


Source: laacibfm.com

SHARE