Karim Benzema Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka Atletico Madrid Xilli Tababarka Guud Weli Uu Ka Maqan Yahay

Kariom Benzema Miyuu iyaari Karaa Kulanka Atletico Madrid Xilli Tababarak Guud Weli Uu Ka Maqan Yahay


Wargeyska AS ayaa daboolka ka qaaday in Benzema uu mari doono baaritaan cusub si loo qiimeeyo xaalkiisa ka hor hor kulanka Atletico Madrid ee La Ligaha

Real ayaa axadda marti u ah kooxda Atletico Madrid oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 26-aad ee horyaalka Spain ee La Ligaha .

Benzema ayaa ka maqan kooxdaas tan iyo kulankii Valencia ee bishii hore gaar ahaan 14-kii , illaa haatan kama qeyb gallin tababarka guud ee kooxda.

Benzema inkastoo tababarka uu sameeyo hadana waa mid kaligiis uu sameeyo welina midka guud kama uusan soo biiirin.

Wargeyskaas ayaa sheegaya in Benzema saacadaha soo socda lagu sameynayo baaritaan l si oo ogaado xaalkiisa iyo in uu tababrka guud kooxda ee beri uu ka qeyb gali karo si kulanka Atletico loogu diyaariyo.

Sidaas oo ay tahay wargeyska AS ayaa qoraya in Real ka fikirayaan in aysan halis gilin xaaladda laacibka lagana yaabo in ay ka maarmaan kulankaas adag ee Atletico Madrid .


Source: laacibfm.com

SHARE