Man City Oo Kaliya 3 Saxiix Ku Soo Dari Doonta Kooxdeeda Xagaaga.

Man City Oo Kaliya 3 Saxiix Ku Soo Dari Doonta Kooxdeeda Xagaaga.


Hogaamiyayaasha Horyaalka Premier League ee Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay kaliya 3 saxiix ku soo dari doonaan kooxda suuqa xagaaga.

Kooxda Pep Guadiola ayaa u awood sheegtay premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo 14 dhibcood ka horeeyo kooxda ugu soo dhaw ee Man United.

Kooxda Man City ayaa badisay 21 gool oo xidhiidh ah tartamada oo dhan kuwaas oo bilowday bartamihii bishii December ee sanadkii 2020.

Si kasta ha aahaatee wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Pep Guardiola suuqa gali doono xagaaga si uu kooxdiisa u xoojiyo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Pep Guardiola kooxdiisa ku soo dari doono xagaaga 3 saxiix kuwaas oo kala ah xiddig ka ciyaara daafaca Bidix, xiddig khadka dhexe ah iyo xiddig weerarka ka ciyaara.


Source: laacibfm.com

SHARE