Man United Oo Qiimo Jaban Ku Heli Karta Saxiixa Kalidou Koulibaly Xagaaga, Imisa Ayaa Ka Xigta Saxiixiisa.

Man United Oo Qiimo Jaban Ku Heli Karta Saxiixa Kalidou Koulibaly Xagaaga, Imisa Ayaa Ka Xigta Saxiixiisa.


Kooxda Napoli ayaa lagu soo waramayaa in ay hoos u dhigtay qiimaha ay ku iibinayso daafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly kaas oo haatan ah 45 milyan oo euro.

Xiddiga reer Senegal ayaa lagu qiimeeyaa in uu ka mid yahay daafacyada ugu fiican adduunka kubada cagta waxana lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo Napoli sanadihii ugu dambeeyay.

Napoli ayaa xiddiga 29 jirka ah ku qiimaynaysay 100 milyan oo euro xagaagii la soo dhaafay laakiin xaalada dhaqaale ee kooxda ayaa keentay in ay kooxdu hoos u dhigto qiimaha lagu helayo xiddiga.

Wargayska Il Mattino ayaa sheegaya in ay kooxda Napoli si weyn hoos ugu dhigtay qiimaha lagu heli karo xiddiga kaas oo ay haatan ku iibinayso lacag dhan 45 milyan oo euro.

Kooxda Man United ayaa muddo lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer Senegal waxana la filayaa in ay Kooxdu saxiixiisa u dhaqaaqdo suuqa xagaaga si ay ugu xoojiso daafaca.


Source: laacibfm.com

SHARE