Miyay Dembélé iyo Miralem Pjanić La Lug Heli Karaan Kulanka Beri Ee Osasuna?

Miyay Dembélé iyo Miralem Pjanić La Lug Heli Karaan Kulanka Beri Ee Osasuna?


Xiddigaha Dembélé iyo Miralem Pjanić ayaa ku soo laabtay tababarak guud ee kooxda Barcelona ka hor kulanka La Ligaha ee Osasuna .

Barcelona ayaa beri marti u ah kooxdaas Osasuna oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 26-aad ee La Ligaha .

Wargeyska Marca ayaa sheegaysa in Dembele si dabiici ah  uu u sameeyay tababarka ka dib markii kulankii Sevilla uu dareemay xanuun dhanka muruqa ah .

Sidoo kale Miralem Pjanić ayaa si caadi ah isna uga qeyb qaatay tababarkii guud ee maanta ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac canqawga midig ka hayay oo keenay in labadii kulan ee hore uu seego .

Sidaas oo ay tahay lama oga in kulankaas ay qeyb ka noqon doonaan waxaana go`aanka laga sugayaa tababarakaha kooxdaas /.


Source: laacibfm.com

SHARE