Mudada Uu Gerard Pique Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

Mudada Uu Gerard Pique Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.


Kooxda Barcelona ayaa Khamiistii xaqiijisay dhaawaac soo gaadhay daafaca dhexe ee kooxda Gerard Pique kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Sevilla.

Wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in uu xiddiga Gerard Pique garoomada ka maqnaan doono muddo 2 ilaa 3 todobaad ah kadib dhaawacii soo gaadhay.

Sidaas darteed xiddiga khabiirka ah ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa ugu yaraan 4 kulan oo tartamada oo dhan ah wakhtiga soo socda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Gerard Pique gaaroomada ka maqnaan doono kulamada Osasuna, Paris Saint-Germain, Huesca & Real Sociedad.

Warkan ayaa ah mid u xun Tababare Ronald Keoman maadama uu ka maqnaan doono kulanka PSG oo muhiim u ah kooxda Barcelona.


Source: laacibfm.com

SHARE