Pep Guardiola Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Ay Premier League Ka Dhigeen Alex Ferguson & Arsene Wenger.

Pep Guardiola Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Ay Premier League Ka Dhigeen Alex Ferguson & Arsene Wenger.


Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa noqon doona tababarihii 3-aad ee taariikhda horyaalka premier League ku guulaysta horyaalka kadib markii laga qaaday xilli ciyaareedkii ka horeeyay.

Tababare Pep Guardiola ayay kooxdiisu 14 dhibcood ku hogaaminaysaa horyaalka premier League iyada oo 11 kulan ka hadhsanyihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

Man City ayaa gacanta ku dhigaysa horyaalka markii 3-aad muddo 4 xilli ciyaareed ah kadib markii ay Liverpool ka qaaday koobka xilli ciyaareedkii hore.

Guardiola ayaa Sir Alex Ferguson & Arsene Wenger kula biiri doona rikoodhka maadama ay labada tababare yihiin labada tababare ee horay ugu guulaystay horyaalka kadib markii ay wayeen xilli ciyaareedkii hore.

6 ka mid ah 13-kii horyaal ee uu Ferguson ku hogaamiyay Man United waxa uu dib ugu soo celiyay Old Trafford koobka halka uu Wenger laba jeer dib ugu soo celiyay horyaalka premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE