RASMI: Barcelona Vs Athletic Bilbao: Wakhtiga La Ciyaari Doono Final-ka Copa Del Rey-ga Oo La Shaaciyay.

RASMI: Barcelona Vs Athletic Bilbao: Wakhtiga La Ciyaari Doono Final-ka Copa Del Rey-ga Oo La Shaaciyay.


Kooxda Barcelona ayaa ogaatay kooxda ay la ciyaari doonto Final-ka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan kadib markii la dhamaystiray kulamadii Semi-final-ka tartanka.

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Athletic Bilbao kulanka Final-ka tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan 2020/2021.

Kulanka Final-ka Copa Del Rey-ga ayaa dhici doona 17 bisha April ee soo socota iyada oo labada kooxood ku kala bixi doonaan Final-ka tartanka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa iska xaadirisay Final-ka tartanka kadib guul soo laabasho leh oo ay ka gaadhay kooxda Sevilla iyaga oo haatan isha ku haya in ay ku guulaystaan koobkoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaaredkan.


Source: laacibfm.com

SHARE