Ronald Koeman Oo Shaaciyay Kooxda Uu Doonayo In Ay Guul-dareysato Kulanka Atletico Vs Real Madrid

Ronald Koeman Oo Shaaciyay Kooxda Uu Doonayo In Ay Guul-dareysato Kulanka Atletico Vs Real Madrid


Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa hoosta xariiqay in ay qasab tahay in ay guul ka gaaraan kulanka beri ay la ciyaarayaan Osasuna ee wareegga 26-aad ee La Ligaha

Wargeyska Marca ayuu Ronald Koeman ka yiri” waa muhiim  guul aan gaarno waayo axadda kulan adag ayaa u dhaxeynaya Real Madrid iyo Atletico Madrid”.

” Midkood ayaa guul dareysan doono sidaa darteed waa in aan helnaa dhibco inkastoo kooxda aan la ciyaareyno ay ku madax adag yihiin garoonkooda balse diyaar ayaan u nahay”

Mar la weydiiyay kooxda uu door bidayo in ay qasaarto kulankaas Real iyo Atletico waxa uu yiri” marka hore waa in aan anaga badinnaa beri ,  natiijada inoo wacan waa in Atletico guul dareysataa”

” Sidaas oo ay tahay muhiim ma aha in aan diiradda saarn aano kulankaas , waxaa inaga go`an in keena aynu badino sabtida” ayuu sii raaciyay macalinb Ronald Koeman

Mar wax laag weydiiyay in horyaalka ay qaadi karaan xilli ciyaareedkaan waxa uu Ronald Koeman ku jawaabay”  waxaa qasab ah in aan guulaha sii wadno’”


Source: laacibfm.com

SHARE